Ciidamo dheeraad ah oo lagu geeyn doono deegaano Al-shabaab laga saaray!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhin doonto Ciidanka ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aysan kasoo bixin degaanadii dhawaan ay ka qabsadeen Al-Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay in Ciidanka ay horay u sii socdaan.

Farmaajo ayaa xusay in Al-Shabaab Qaraxyadda ay ka geystaan Muqdisho ay kusoo diyaariyaan gobolka Shabeellaha Hoose.