Ciidamo cusub oo Macaawisley ah oo lasoo-bandhigay

Reading Time: 2 minutes

Ciidamo cusub oo macawuusley ah looguna tala galay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka cusub ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ayaa lagu diyaariyay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa  Halgan kula hadlay boqolaal Macwiisley ah, kuwaas oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan ciribtirka xubno katirsan Al Shabaab ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan Hiiraan.

Cali Jeyte oo la hadlay ciidanka macawuusleyda ayaa kula dar-daarmay in ay u diyaar garoobaan howlgalka sifeynta Al Shabaab, isla markaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo kooxda Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay ciidamo caalami ah ayaa maalmo kahor duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay tuulooyin hoostaga degmada Halgan, waxaana weerarkaasi dowladda sheegtay in lagu dilay in ka badan 60-xubnood oo katirsan Al Shabaab.