Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa maanta gaaray Isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiishan oo la socday gaadiidka nooca aanay rasaasta karin ayaa kormeeray Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Caafimaadka Jubbaland, Mursal Maxamed Khaliif iyo Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo, Xuseen Sheekh Qaasim.
Wasiirka ayaa warbixin guud ka siiyay Saraakiisha Taliska AFRICOM xaaladda guud ee Isbitaalka Kismaayo iyo daruufaha uu xilligan ku shaqeeyo.
Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee gudaha dalka ka hawlgala ayuu ujeedkeedu ahaa in ay u kuur galaan xaaladda Isbitaalka Kismaayo, sida uu ku shaqeeyo iyo baahida halkaasi ka jirta.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiishan ay iminka qiimayn ku samaynayan xaaladda isbitaalka oo keliya, isla-markaana ay madaxda ka sareyso u gudbin doonaan wixii ay halkaasi ku soo arkayn, si ay gacan uga gaystaan.