Ciidamo Boolis ah oo la wareegay Saldhiga Degmada Gureceel ee Gobolka Galguduud

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa la wareegay Saldhiga Ciidamada Magaalada Guriceel, kadib markii Ciidamada dowladda maanta halkaasi ay qabsadeen.

Ciidanka Booliska ayaa hadda ku sugan Saldhiga Magaalada Guriceel, kadib markii ay ka soo ambabaxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Somaliya ayaa wada qorshe ay si toos ah ugula wareegayso deeganada ay gacanta ku hayaan Ciidamadii Ahlu Sunna.

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya & Ciidanka NISA ayaa saaka aroortii hore si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, waxaana halkaasi isaga baxay Ciidamadii Ahlu Sunna ee Magaalada joogay.

Saraakiisha Booliska Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada si caadi ah ugu shaqeyn doonaan Magaalada Guriceel oo Saldhiga ay xaruntooda ahaaneyso.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!