Ciidamaha Itoobiya oo gudaha u galay magaalada Baydhabo (Sawiro)

Reading Time: < 1 minute

Sida uu soo warinayo wariyaha MOL ee Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo.

Waxaa gudaha u galay magaalada Baydhabo ciidan kuwaasoo labo dhinac kasoo galay Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.