Ciidamadii Ugu Badnaa ee Konfur Galbeed oo Laso Dhoobayo Gobolka Shabeelaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kordhiyeen Howlgallada ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, ee ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma aya sheegay in Gobolka loo qorsheeyay Ciidan gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul ku aadan qaabkii Ciidamadan loo dhisi lahaa oo qeybtood ay hadaba diyaar yihiin.

Wuxuu sheegay Ciidamadan degaanka ah marka la diyaariyo in ay la wareegi doonaan ammaanka goobaha ay qabsadaan Ciidanka Millitariga iyo kuwa Kummaandooska ah.
Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.