iyadoo dhawaan dowladda soomaaliya ay ciidamo boolis ah ay geysay magaalada baydhabo kuwaasi oo lagu sheegay iney ka qeeyb qaadanayaan sugida amaanka doorashada madaxtinimo ee maamulka koonfur galbeed ayaa haatan marxalada sidaasi ay iska badashay.
ciidamadii la geeyay baydhabo ayaa ah kuwa ka amar qaata madaxtooyada villa soomaaliya iyo musharax lafta gareen kaasi oo u adeegsanaya qal qal galinta amaanka musharaxiinta la tartamaya.
dowladda soomaaliya ayaa lacag iyo ciidanba ka daba sida musharax lafta gareen oo ah shaqsi fuliya danaha farmaajo iyo kheeyre.
balse haatan xaalada magaalada baydhabo ayaa ah mid jahwareer siyaasadeed iyo mid amni ku jirta iyadoo musharaxiinta madaxtinimo ee koonfur galbeed ay cabasho ka gudbiyeen ciidamada federaalka ah ee uu adeegsanayo musharax lafta gareen.
lama oga halka ay ku danbeeyn doonto tabasha musharixiinta maadaama dowladda soomaaliya ay adeegsaneyso quwad ciidan iyo mid dhaqaale taasi oo afka ka xiri karta howlwadeenada doorahsada madaxtinimo iyo xildhibaanada koonfur galbeed.
sikastaba ha ahaatee waxgaradka odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada koonfur galbeed ayaan la dhacsaneen habka ay u socoto doorashada madaxtinimo ee maamulka koonfur galbeed.