Ciidamo kusugnaa magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn, ayaa la sheegay in ay ku biireen Somaliland, waxaana sawirro lagu baahiyey baraha bulshada, ay muujinayaan gaadiid dagaal oo fara badan.
Ciidamadan ku biiray Somaliland ayaa ka soo jeeda gobalka Cayn, gaar ahaana Buuhoodle, waxayna ka caroodeen markii dhismaha golaha deegaanka laga reebay beeshooda.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay waxgaradka iyo Odayaasha beelaha galbeedka magaalada Buuhoodle ay sheegeen in ay ka baxeen Puntland.
Wasiiradda Puntland ee kusugnaa ayaa la sheegay in ay xalin waayeen cabashada beelaha qaarkood, waxaana shalay Madaxweynaha Puntland uu ku faanay in horumar ay ka sameeyaan Buuhoodle.
Talaabadan ciidamadan ugu wareegeen Somaliland dad badan ayaa u arka halis cusub oo ku soo wajahan gobalka Cayn, sidaas oo kale maamulka la dhisay ayaa beelaha qaarkood ay u arkaan mid kasoo horjeeda sida saxda ah.