Ciidamadii joogay Waqooyiga Muqdisho & Ciidamo uu diray Farmaajo oo isku hor fadhiya…

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada uu soo tababaray Turkiga oo sita gawaarida dagaalka ayaa caawa saqdii dhexe fariisan ka dhigtay xerada Geed Timir oo ku taal duleedka Gubadley sida aay dadka degaanka noo sheegeen.

Ciidamada ka gadooday dowladda oo saldhig ku leh degaanka Gubadleey ayeey is hor fadhiyaan waxaana suurto gal ah in saacadaha soo socdo uu halkaas dagaal ba’an ka bilowdo.

Waa markii saddexaad oo ciidamo loo diro Degaanka Gubadley oo aay dib uga soo laabteen kaddib markii aay u babac dhigi waayeen ciidamada Gadoodsan.

Ciidamada gadoodsan ayaa sita hub aad u culus iyo ciidan tiro badan, waxaana aay wacad ku mareen in haddii aay ciidamada Dowladda soo weeraraan aanay joogsan doonin ilaa Villa Somalia aay ka qabsadaan.

Wixii soo kordho goor dhow naga filo