Ciidamadii Dowladu gaysay Gobolka Gedo oo bilaabay Dagaal ka dhan ah Maamulka Jubbland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu soo waramayaa in abaabul Dagaal oo ka dhan ah Maamulka Jubbaland ay Ciidamada Dowladu Geysay Gobolka ay bilaabeen waxaana Shacabka ku nool deegaanada maamulkaa soo wajahay casbi xoogan.

Ciidamo wata Gadiid dagaal ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay lagu daad guraynayay Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaana Ciidamaa ay u badnaayeen Ciidamo ku hayb ah Madaxweyne Farmaajo oo mareexaan ah.

Si kastaba Xaalada Deegaanaada Maamulka Jubbaland ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa in halkaa uu Dagaal ka qarxo kaa oo dhex mara Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Jubbland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!