Ciidamadii Dowladdu gaysay Gobolka Gedo oo guluf Dagaal bilaabay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamadii Dhawaan ay dowladu gaysay Deeganada Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen abaabul xoogan oo ay ku wajahayaan Deegaanada ay ku suganyihiin Cidamada Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobo.

 

Ciidamadaan ayaa waxa ya yihiin Ciidamo aad u qalabaysan waxaana Diyaarad looga qaaday Magaalada Muqdisho waxaana ay  wataan Gaadiid Dagaal oo aad u qalabaysan waxaana hada soo baxaya Warar sheegaya in dhawaan Ciidamdu ay yihiin ku woto Gaadiid  dagaal oo u diyaarsan Dagaal Woloow aanan la ogayn Degmooyinka ay Dagaalka ka bilaabi Doonaan.

 

Arintaa ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xili Maamulka Jubbaland Ciidamadiisa la geliyay haygan Buuxa si ay uga hortagaan Dagaal ay sheegeen in ay Dowladda Soomaalia ku soo qaado.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!