Ciidamadii dowlada Fedaraalka gaysay Baydhabo oo dilay taliyahoodii

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhoweyd ay is rasaaseyn dhex martay ciidankii Baydhabo dhawaan gaysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in is raaseyntani uu ku dhintay taliye ku xigeenkii ciidamadaasi oo dhawaan la geeyay Baydhabo kuwaas oo joogitaankoodu muran badan ka taagnaa.

Si rasmi ah looma oga waxa isku dhaca sababay hasa yeeshee masuuliyiin ayaa xaqiijiyey geerida taliye ku xigeenka ciidamadii Booliiska ee laga qaaday magaalada Muqdisho lana geeyay Baydhabo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!