Ciidamadii Beesha Duduble ee loo diyaariyay Dagaalka Alshabaab oo dhaqaaqay.

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in ciidamadii beesha Duduble ee lagu diyaarinayey halkaasi ay ugu danbeyn u ruuqaansadeen Aagga dagaalka ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ayaa Galabta ka tegay magaalada Dhuusamareeb, isagoo gurmad ahaan ugu usii jeeda degaanka Qaayib oo maanta uu dagaal culus uu ku dhex maray Kooxda Ciidamada dowladda, kuwa degaanka iyo Alshbaab.

Ciidamadan oo ka qeyb qaadan doona xoreynta degaanada Beeshu degto ee Xiindheere, Ceelbuur iyo Ceelgaras ayaa lagu ururiyay, laguna diyaariyey magaalada Dhuusamareeb, iyagoo laga daad gureeyay caasimada Muqdisho.

Inta harsan ciidamada beeshan ayaa la filayaa inay dagaalka ku biiraan, iyadoo sidoo kale ay diyaar garowgii ugu danbeeyay ku jirto Beesha kale ee Murusade oo ciidamo badan isugu geystay Gobolka Hiiraan.