Ciidamadii Baydhabo la geeyay oo Magaalada Qas ka wado iyo dagaal ka socda+Rooboow oo la!!

Reading Time: < 1 minute

sida aan wararka ku huleeyno ciidamadii Booliska ahaa ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xabsiga dhigay Musharax Muqtaar Rooboow cali Abuu-mansuur sida aan idinkugu soo gudbinay wararkeeynii hore.

Ciidamadaani ayaa ujeedka loo geeyay magaalada baydhabo waxaa ay aheed in ay qalqal geliyaan doorashada maamulkaasi islamarkaana qaab awoodeeysan loo adeegsado.

Ilaalada Musharax Muqtaar Rooboow ayaa lagusoo waramayaa in awood loo adeegsaday Ciidamada booliska ah oo guriga kusoo hormaray ayaa ilalada jirdilay ka dibna Ciidamo itoobiyaan ah ayaa soo gaaray.

Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan dagaal goos goos ah ayaa hada ka soconaayo,shaqaaqooyinka ka dhaco Magaaladaasi waxaa eedeeda dusha saaraneeysa Villa soomaaliya