Ciidamadda Nabad Sugida Jubbaland oo Gacanta ku dhigay Nin Xirnaa Dharka Dumarka

Reading Time: < 1 minute

Ciidamadda Hay’adda Nabad Sugida Ee Jubbaland ayaa lagusoo waramayaa in ay qabteen Nin ku labisnaa Dharka Dumar kaasi oo la baxay Farxiyo Okeey,ka dib Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo.

Sida aan Wararka Ku heleeyno Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa Kismaayo ku soo bandhigay nin xirnaa dharka dumarka,sawiro lagasoo qaaday oo lagu Baahiyay Baraha  Bulshadda.

Ninkaan ayaa laba habeen la seexday guri ay daganaayeen laba dumar ah Magaalada Kismaayo, isaga oo ay moodayeen inuu yahay qof dumar ah sida Saraakiisha gacanta kusoo dhigtay ay Warbaahinta u sheegeen.

Dhacdooyinka Nuucaan ah ayaana ku Cusbeeyn Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaana Kol Hore lagusoo Bandhigay Nin sidaani oo kale dhar dumar ah u xirnaa