Ciidamadda Amnigga Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay dilal kala duwan ka geeysteen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ,iyagoo beegsaday Dad shacab ah oo xoogsato u badnaa, Shalay oo Arbaco aheed Waxaa Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ay Ciidamadda Alpha Group ku dileen qof shacab ah mid kalena dhaawaceen
Dad-goobjoogayaal ah ayaa sheegay toogashadan ay ka dib markii gaari iska roge ahaa uu soo aaday kolonyo ay la socdeen ciidankan nabad sugida taasoo keentay in ciidanku ay shakiyaan, ayna rasaas ku furaan gaariga.
Sidoo kale Maalmo ka hor Degmada Heliwaa waxaa lagu dilay Dad Kor u dhaafaya 12-ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo ay toogteen Ciidamadda Amniga ka dib markii ay ka shakiyeen,su’aalo badan ayaa la iska weeydiinayaa falalkaan soo batay ee aan xadka laheeyn, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, mana jirto cid dib dambe wax iskaga weydiisa dhibaatada shacabka loo geysto.
Ciidamadda Amnigga oo kolkii hore xabsi shaqo la’aan ah iyo dhaqdhaqaaq la’aan ah geliyay shacabka ayaa waxaa ay hadda Bilaabeen in ay hadana Dilal barer ah u geeystaan,waana Baa’bi’in baahsan oo loo geeysanaayo dadka Ku Nool Gobolka Banaadir