Ciidamada Xoogga Oo Shegay Iney Howlgalo Gaar Ah Ay Ku Dileen Saraakiil Al Shabaab Ah

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen hawlgal gaar ah oo ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen degaano hoostaga gobolka Gobolka Jubbada Hoose in lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Hawlgalkan oo si gaar ah looga fuliyay fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Muuse Xaaji iyo Araare ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay Afar Sarkaal iyo Todobo dagaalame oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Abaandullaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacadda ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan ay ciidamadu xoogga dalka inay ahaayeen kuwa qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay.

Gaashaanle Sare Maxamed Buule ayaa intaas ku daray in gacanta lagu dhigay Laba ka mid ah gaadiidkii dagaalka ay isticmaalayeen Ururka Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen Al Shabaab.

“Waxaan idin sheegayaa in ciidamada ay Argagixisada Al Shabaab ka nadiifiyeen Buundada Araare iyo Tuulada Muuse Xaaji, waxaanu sii wadeynaa hawlgaladan, ciidamadu waxay diyaar u yihiin sidii ay cadowga ula dagaalami lahaayeen”. Ayuu yiri Gaashaanle Sare Maxamed Buule.

sikastaba ha ahaatee dowladda soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah koxda al shabaab oo looga xoreynayo gudaha dalka