dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemaayo Gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Xoogga dalka ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Militari ay ka wadaan deegaanada dhaca wadada xeebta oo isku xirta Muqdisho iyo Marko.

Dadka Deegaanka ayaa Mol u sheegay in saakay militariga Soomaaliya lagu arkayo deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Deegaanada dhaq dhaqaaqyada ay ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah Dhanaane, Gandarshe, iyo Jilib Marka iyo deegaano kale.

Ciidamada Xoogga ayaa howgalkooda waxaa uu salka ku hayo sidii ay ugu Hortagi lahaayeen miinooyinka ay shabaab ku aasaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay qaraxyo miino ku dileen saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya.

sikastaba ha ahaatee ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalo kawada guud ahaan dalka kaasi oo ku qotoma sidii loo sugi lahaa amaanka shacabka soomaaliyeed.