Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa soo saaray go,aamo la xariira sugida Amniga goobta lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 15 bishaan.
Qodobada kasoo baxay guddoonka ayaa sidaan u qornaa:
Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynaynan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayanan Amaanka
banaanka.
Cidanka Nabadsugidda waa in ay si gaar ah ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha
Magaalada ku dhuumaaleysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.
Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagnan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.