TPLF oo xaqiijisay in ay dagaalka tigreey ku dileen ciidamo Soomaali ah

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka Dagaalyahanada TPLF, Getachew Reda oo la halday warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay kula jireen dowlada Itoobiya ay ku dileen in ka badan 6,000 (lix kun) oo Askari.

Getachew Reda ayaa markii u horeeysay shaaciyay in dagaalka ay ku dileen ciidamo fara badan oo Soomaali ah kuwaas oo laga soo galiyay degaanka Tigreey dhanka daka Eritereeya.

Hadalka ka soo yeeray dagaalyahanada Tigreey ayaa markii ugu horeeysay muujinaysa isla markaana cadeeynaya in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku dhinteen dagalka Tigreey.

Dowlada Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarahisii Xasan Cali Kheyre ayaa si wadajira uga danbeeyay in Dhalinyaro Soomaaliyeed si sharci daro ah loogu diray dagaal ka socdo dal shisheeye.