Heshiiskii ay fududeeyeen dowlada Itoobiya ka dib, waxaa la sheegaya in Somaliland ay ciidamo hor leh ay ku soo daabuleyso magaalad Laascaanood oo todobaadyadii la soo dhaafay dagaal culus uu ka socdo.
Sawirro la helay ayaa muujinaya Somaliland oo ciidamo kusoo daabulaysa Laascaanood iyada oo laga soo saaray ciidamada deegaanka Ceelafwayn oo ka tirsan gobalka Sanaag halkaasi oo ay awal ku kala dhex jireen rabshado Beeleed halkaasi ka taagnaa.
Odoyaasha dhaqanka ee reer Sool ayay dowlada Itoobiya ku amartay in ayan carqaladaynin ciidamada Somaliland oo ka baxaya qaybo kamida gobolka Sool. Afhayeenka odoyaasha Dhulbahante ayaa sheegay inay ogolaadeen inay u hogaansamaan amarada ka soo baxay wafdigii dowlada Itoobiya.
Arrintan ayaa muujineysa in maamulka Muuse Biixi uu wali ka adkaan la’yahay ciidamadda deegaanka ee diidan joogitaanka Somaliland ee dhulkooda, iyadoo aan la ogeyn waxa ay xaaladda ka bedeli karaan ciiidankan cusub.
Dhinaca kalena, duqeymo culus ayaa laga soo sheegaya magaalada Laascaanood oo ay ka wado Somaliland, hubka la maqlayo ayaa kamid ah midka ka dhaca Kaaraha, lama soo sheegin khasaaraha madaafiicdan ka dhashay.
Labadii maalin ee la soo dhaafay ma jirin wax dagaalo ah oo waxaa waan waan labada dhinac ka dhex waday dowladda Itoobiya oo wafdi ka socday ay Hargeysa iyo Garowe kula shireen madaxda Somaliland iyo kuwa SSC, dadaaladaasi ayaa u muuqda iney dhicisoobeen maadaama dagaalkii uu dib u bilowday.