Ciidamada Somaliland oo gabi ahaanba isaga baxay deegaanka Tukaraq

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Istaraatijiga aha ee ka isku xirta Puntland iyo Somaliland  ayaa la sheegayaa in Ciidanka Somaliland ee  kusugnaa  magalaada Tukaraq oo maalmihii u dambeeyey si aayar-aayar loo qaadayay ayaa kooxihii u dambeeyey hadda bilaabeen in ay Kolonyeysteen, iyagoo dhinaca dhulka Dhoodiga uga dagaya Laamiga isku xira GoojaCade iyo Tukaraq, doonayana in ay laamiga dheer ka qabsadaan Agagaarka Adhi-Cadeeye.

Goobjoogayaal  kusugan agagaarka degaanka Gambadhe ayaa laga soo xigtay  in ciidamada Somaliland ay baneeyeen dhufeyso laqoday maalmihii lasoo dhaafay, isagoo sheegay in ciidan kasoo jeeda deegaanka ay xalay dageen goob ku dhaw Gambadha oo ah taliska laga maamulo Tukaraq.

Haddii, Somaliland si buuxda uga baxdo Tukaraq waxay ka dhigan tahay, in ay lumisay masaafadii ugu dheereyd ee ay kajoogtay Sool, aroornimadii hore ayay sidaas oo kale gacanteeda kabaxeen aagag dagaal oo ay 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka dagaalameysay kuna yaala daafaha Laascaanood.