Xoogaga SSC-Khaatumo ee ka dagaalaya gobolka Sool ayaa dhanka waqooyi furin cusub oo dagaal kaga furay ciidamada Somaliland ee fadhiya duleedka magaalada Laascaanood.
Wararka aan ka helayno Laascaanood ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan ciidanka SSC-khaatumo ay saacadihii u danbeeyay ku sii ruqayaan deegaanka dhuuxa dhoodida ee dhinaca waqooyi ka xigta Taliska Dhuxun ee Ciidamada Somaliland.
Warka ayaa intaa ku daraya in Xoogagga SSC oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa durba saldhigyo ciidan ka samaystay dhoodida.
Jidadkii muhiimka ahaa ee dhoodida qaarkood ayaa hadda u muuqda kuwa ka soo xirmay Ciidamada Somaliland taas oo ku keenaysa culays xooggan.