Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caarre oo ku dagaalay Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Sida ay shegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxaa degaanka Ceerigaabo saakay ka dhacay dagaal xoogan oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku qarxay ka markii ciidamda Somaliland oo daba socday Kornely Caare ay weerar ku qaadeen fariisin uu ku sugnaayeen ciidanka Caare. Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Karin oo ka tirsan Magaalada Ceerigaabo.

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii Jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Ceerigaabo una guureen degaan Cusub oo uu ku yaallo halkaas.

Khasaaro kaal duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas,waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland,kaasi oo la dhigay Isbitaalka guud ee Ceerigaabo.