Ciidamada Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo laga saaray Magaalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Maalmihii la soo dhaafay Isimada Dhaqanka SSC Khaatuma ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland waxaa ay ka wadeen dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka,kuwaas oo isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka.

Isimada Dhaqanka ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gudaha caasimadda Garoowe laga saaro ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka, iyada oo sidoo kalena kuwa Xukuumadda Madaxweyne Deni lagu adkeeyey in ciidankeedu aysan sameyn dhaqdhaqaaq.

Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin in ay wada-hadal isugu keenaan labada dhinac, si xal loogu helo ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee ka taagan Magaalada Garoowe.

Isimada Dhaqanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka ogolaaday in uu wada-hadal la galo Siyaasiyiinta mucaaradka, halka markii ay la kulmeen Siyaasiyiinta mucaaradka ay ku guuleysteen inay Ciidamada ka saaraan magaalada Garoowe.

Weli waxaa socda dadaalada kala duwan oo ay wadaan Isimada Dhaqanka SSC Khaatuma, si xal looga gaaro muranka doorashada ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay ee Maamulka Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, murankaas oo sababay in cabsi aawgeed ay dadka Shacabka ahy uga barakacaan Magaalada Garoowe.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa kulan ay ku lahaayeen Magaalada Garoowe uu u baaqday khilaaf la xiriira waxka bedelka xeerka doorashooyinka, kaas oo ah khilaafka ugu weyn ee xilligaan u dhaxeeysa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.