Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degmada Gaalkacyo, Puntalnd, Ciidanka Puntalnd ayaa halkaas ka fuliyay halgalo qorsheysan kaas oo lagu qab-qabtay kooxo ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga. Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka fuliyay goobo bartilmaameed u ahaa oo looga Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga.
Howlgaladaan ayaa waxaa sigaar ah looga fuliyay agagaarka Hotelka ee waqooyi Gaalkacyo.Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu beegsaday shabakado ka Gacacsada Khamriga laga keeno gudaha dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay xuseen in dadka dhibaato ku haayeen.
Dhanka kala inta uu socday howlgalkaan ay halkaas Israsaaseyn kooban dhexmartay Ciidanka amniga Puntland iyo rag ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga, iyagoona howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah raggaas.