Ciidamada Puntland oo hawlgal ka fuliyay dhulka buuraleyda Golis

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Daraawiishta iyo PSF ee Puntland, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari. Hawlgalkan oo lagu xaqiijinayay Amniga Gobolka ayaa laga sameeyay buuraleyda Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Puntland.

Dhanka kale, hawlgaladaan waxa hoggaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca ee Silsiladda Golis G/Sare Saciid Nuur Shire, waxaana lagu baadi-goobayay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku dhuuntan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!