Ciidamada Nisa Waxaa ay u Ekyihiin Bilaa Taliye’’Ee Fadlan Xal Haloo Keeno’’

Reading Time: < 1 minute

Weli waxa taagan cabashadii hogaanka sare ee Taliska Ciidanka Nisa,waxaana dhawaanahan ka taagna isbarbar yaac iyo dayaacad ciidanka ka dhex jira.

Waxa ay Ciidanka Nisa hadda u eg yihiin Ciidan an la heyn wax hogaan ah waxaana Ciidanka soo food saray dhibaatooyin badan oo u baahan in wax ka badal lagu saamyeo si wax logu qabto.

Xuseen Cismaan Xuseen oo lo yaqaan “Xuseen uur Kuus” aya hada ah Taliyaha cusub ee NISA waxa uuna gabay hooshii loo idmaday iyado ay istaageen Howliihii Hey’ada iyo shaqooyinki caadiga aha ee NISA.

Waxaa guud ahan istaagay howlgaladii ay qaban jireen Ciidanka Hey’ada Nabad sugida ee NISA iyado ay dhamaan howlgaladi la joojiyay.

Sido kale duruufaha Heysta Ciidanka NISA waxa ka mid ah Mushaaradkoodii oo lumay iyado Mushaarki ay xaqa u lahaayeen laga jaray qeyb ka mid ah.

Saraakiisha Sare ee NISA aya si toos ah ugu amar qaata Raii’sul Wasaare Xasan Cali Kheeyre iyago fuliya danaha gaarka ah ee Mudane Kheeyre.