Ciidamada NISA oo Suuqa Bakaaraha Ku Toogtay Labo Ruux!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay labo qof oo dhallinyaro ah.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Ciidanka dharcadka ah ee ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya ay toogteen labo wiil,kuwaas oo markii hore lagu qabtay gudaha Suuqa.

Mid ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa sheegay in labada wiil laga shakiyay kaddibna ay ka xeeyeen Ciidanka Nabad sugidda ee dhar cadka ah.

Intaas kaddib ayey labada wiil la baxeen Baskoolado iyada oo sidaas lagu toogtay labada will,waxaana intaas kaddib goobta gaaray saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii suuqa Bakaraaha lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada kaas oo ay dilkiisa sheegatay kooxda Daacish.

Waxa sidoo kale Habeen hore la toogtay Askari lagu magacaabi jiray Xasan Sulub oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee Magaalada Muqdisho.

Bishan Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ku batay dilalka iyada oo Malainkasta Muqdisho ay ka dhacaan dilalka loo geysanayo dad kala duwan.