Ciidamada Nisa Oo Sheegay Iney Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Katirsan Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab oo maleegayay qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Hawlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay ku soo qabteen xubin Al Shabaab ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan, hawlgalka cidi wax kuma noqon, nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka socda hawlgalo ay wadaan ciidamada amniga, iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Shabaab ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!