Ciidamada Nisa Oo Howlgal Qorsheysan Kusoo Qabtay Xubin Sare Oo Katirsan Al Shabaab

Reading Time: 2 minutes

Ciidamada NISA ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen shaqsi ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo laga soo qabtay guri uu ku sugnaa.

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ciidanka amniga ay maanta qabteen xubin ka tirsan amniyaadka Al Shabaab.

Barta Twitterka Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa la soo dhigay qoraal kooban oo looga hadlay hawlgalkaasi sida uu ku dhacay, waxaana shaqsigan la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista Ciidamada NISA ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri “27-ka Agugust 2018, hawlgal qorshaysan waxaa magaalada Muqdisho ka fuliyay ciidanka ammaanka Dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana lagu soo qabtay xubin amniyaadka Al Shabaab ah, hawlgalka cidi wax kuma noqon, tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabad galyada iyo xasiloonida”.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkaasi inuusan jirin cid wax ku noqotay, sidoo kalena uu qeyb ka yahay Suggida ammaanka magaalada Muqdisho, balse Hay’adaha amnigu ma sheegin magaca ninkan ay soo qabteen iyo halka uu sida gaarka ah uga dhacay hawlgalkan.

24-kii bishan ayay aheyd markii Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA uu sheegay inuu gacanta ku dhigay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa hawlgallo qorsheysan waxa ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, iyaga oo beegsada xubno ka tirsan Shabaab.

NISA@HSNQ_NISA

27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah.

Howlgalka cidi wax kuma noqon.
Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonid