Ciidamada Nisa oo Baahiyay in ay Qabtaan Shaqsigii dilalka ka geeysan Jiray Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa howlgal qorsheysan maanta ka fuliyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ciidamada NISA ayaa howlgalka ka fuliyay xaafad batilmaameed ahayd waxayna kusoo qabteen shaqsi la sheegay inuu qeyb ka ahaa kooxaha dilalka ka geysta magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu soo qabtay nin ku howlanaa dilal qorsheysan iyo maleegidda qaraxyo.

Qoraalka NISA ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka aysan jirin shacab ay waxyeelo kasoo gaartay.

Hay’adda Nabadsugidda ma eysan soo bandhigin magaca iyo sawirka shaqsiga ay kusoo qabteen howlgalka qorsheysan iyo sidoo kale goobta ay sida rasmiga ah uga soo qabteen.