Ciidamada Muqtaar Rooboow oo Dagaal culus ku galay gobolka Bakool (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka MOL ay ka heleeyso gobolka Bakool Dagaal culus ayaa waxaa uu halkaasi ku dhax-maray ciidamo u daacad ah shiikh Muqtaar Rooboow Cali iyo Al-shabaab.

Ciidamada daacadda u ah Roobow oo loo yaqaan Caaro Caaro ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Abay oo qiyaastii 18km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Xudur.
Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo khasaraaha ka dashay dagaalka labada dhinaca.

Shiikh Muqtaar Rooboow oo u xiran dowlada Ciidan xoogan ayuu wali leeyahay kuwaasi oo u daacad ah,waxaana lagu guuleeysan in lagu biiriyo Ciidanka xoogga.

Heshiiska ay ugu biirayaan ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ahaa kii dhex-maray dowladda iyo Roobow markii Mukhtaar uu isku soo dhiibay dowladda, hase yeeshee qorshahaas ayaa iminka u muuqda inuu fashilmay.

Ciidankaani ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin kuwa xoogan oo in mudo ah u babac dhigaayay Dagaalka Al-shabaab kaga imaanaayay