Ciidamada Maraykanka oo kaalin xoog leh ka qaatay dagaalka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Maraykanka oo kaalin xoog leh ka qaatay dagaalka ka socda Galmudug. Waxa ayna dagaalka uga qayb-galayaan diyaaradaha loo yaqaano drone-ka. Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey. Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

“ Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Waa markii ugu horeeysay oo Maraykanku uu door-weyn ka qaato dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Deegaanada hoos yimaada Galmudug. Ciidanka Maraykanka ahaa dhowr bilood ka hor kala baxay ciidamadooda gudaha Soomaaliya.

Waaa iyadana xusid mudan, Gobolka Mudug waxaa ka socdo dagaal qorshauysan oo looga sifeenayo Ururka Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo badan kusoo daabuleysay, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda sheegeyn inuu dagaalka sii socon doono inta gacanta lagu soo dhigayo Magaalada Xarardheere.