Ciidamada Maraykanka oo duqayn ka gaystay Gobolka Sh. Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada hoose ayaa shegaya in duqayn ay halkaas ka dhacaday. Duqeyntan ayaa waxaa gaysaty diyaaradaha dagaalka Marekanka  kuwaas oo duqeeyay Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kana tirsanaa Al-Shabaab. Waxa kale oo ay raaciyeen in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka,isla markaana lala eegtay xumno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana lagu garsiiyay.

Uruka Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here