Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo kala dhexgalay Maleeshiyaad Shalay Kudagaalamay Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan ay Shalay maleeshiyaad ku dagaalmaeen ay gaareen ciidamo katirsan millateriga soomaaliland iyo odayaasha Dhaqanka gobolka Sanaag, iyaga oo kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay.

Dagaalka ayaa wxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen saddex ruux oo labad dhinaca ah iyo dhaawaca tiro kale,waxaana wararka saaka na soo gaaraya ay sheegayaan in ay bilaawdeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay.

Deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxaa sidaan oo kale horay ugu dagaalamay maleeshiyaad isku qabsaday dahabka iyo macdanka laga gurto Buuraha deeganaas,waxaana dagaalada ay yihiin kuwo soo lab laabtay.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay wadaan kulamo ay la yeelanayaan odayaasha dhaqnaka ay kasoo kala jeedaan maleeshiyaadka dagaalamay si xiisada loo joojiyo.