Ciidamada ammaanka ee dowladda Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Howgalkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay bateen dilalka ay geystaan koox ku hubeysan bistoolad.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Puntland ay heegan buuxa gelisay ciidamada ku sugan Magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda.
Saraakiisha Amaanka ee Gobalka Bari ayaa waxaa ay sheegay in ay aad u adkeeyeen amaanka Magaalada Boosaaso, xili ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha Maamulka Puntland.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa ciidamada faray in ay howlgalka ka sii wadaan deegaanada Buuraha ee Gobalka Bari, islamarkaana halkaasi laga saaro xubnaha Shabaab iyo Daacish.
Wadooyinka Magaalada Boosaaso iyo duleedka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamadii ugu badnaa, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka Magaaladaasi.