Ciidamada Maamulka Jubbaland oo sheegay in Dagaal ka dhacay Garbahaareey ay ku dileen 11-ka Tirsan Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Sida wararka aynu helnay sheegayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa  ku dagaalamay Magaalada Garbahaareey Ee Xarunta Gobolkaasi Gedo.

Weerarkan ayaa waxaa qaaday ciidanka Jubbaland kadib markii ciidanka ay ogaadeen in halkaasi lagu diyaarinayay weerar ka dhan ah ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo dadka degaanka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey ayaa sheegay dagaalkan inay kaga geeriyoodeen Shan askari oo uu ku jiro Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka, halka ay kaga dhaawacmeen Todobo askari.

Dhanka Shabaab ayuu sheegay inay ka dileen 11 dagaalame, islamarkaana ay ka gubeen gaadiid, kana qabsadeen Hub iyo Sahnad ciidan, kuwaasi oo uu tilmaamay inay soo bandhigi doonaan.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha wararkooda ay ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ciidanka Jubbaland ay ka dileen in ka badan 10 askari, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal, dibna u laabteen ciidankii weerarka soo qaaday.