Ciidamada Maali oo sheegay ineey dileen 100 qof oo dagaalyahano ah

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dalka Mali ayaa sheegay inay dileen in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalkaas kadib duulaan ay ka qeyb qaateen ciidamada Faransiiska oo dalkaas ka dhacay.

War kasoo baxay militrtyga Mali ayaa lagu sheegay in hawlgalo gaar ahaa oo ka dhacay dhawr gobol ay ciidamadu kula wareegeen illaa labaatameeyo saldhig oo kooxahaan ku lahaayeen dhulka lama dagaanka ah.

Dawlada Mali kama ay hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray intii uu socday hawlgalkaan ay guusha ku sheegatay.

Faransiiska qiyaastii 5 kun oo askari ayaa jooga dalka Mali kuwaasoo dawlada ka caawiya dagaalka ay kooxaha hubeysan kula jirto.