Ciidamada Kumaandooska Jubaland oo soo gaaray Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maagalada Muqdisho soo gaaray Ciidan si gaar ah u hubeysan oo hordhac u ah wafdiga Madaxweyne Axmed maxamed  Isalaam Axmed Madoobe.

Ciidan kasoo dagay muqdisho ayaa si gaar ah u hubeysan, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanka farahabadan ee Muqdisho kasoo degay ay si gaar ah ula wareegi doonaan ammaanka Madaxweynaha Jubbland.

Axmed Madoobe ayaa soocada soo aaddan kusoo wajahan Magalada Muqdisho,iasgoo  shir la qaadan doono Madxweyne farmaajo, Siciid Cabdulaahi deni Madaxweynaha Puntaland iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka loo xiray imaanshaha madaxda Jubbaland iyo Puntland, waxana madaxweyne Axmed Madoobe la socda wafdigiisa ciidan si gaar ah u hubeysan kuwaas oo qayb ka mid ah muqdisho kasoo dageen.