Ciidamada Kenya oo gudaha u galay xeryooyinka qaxootiga ee ku yaala xududaha Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Dowladda Kenya aya la wareegtay labo xero qaxooti oo ay ku jiraan Soomaali qaxooti ah

Dowlada Kenya oo ka sheeganaysa amaan daro iyo kooxda Al Shabaab oo gabaad ka dhigatay qaxootiga Soomaalida ayaa dadkii degganaa xeryaha Qaxootiga ee kala ahaa Kaami cows iyo Ifo2, ayaa laga bixiyay waxaana intooda badan dib loogu celiyay Soomaaliya.

Dadakaan ayaa dib u dejin loogu sameeyay xeryaha kale ee kala ah Xagardheer, Dhagaxleey iyo IFO. Dadkaaas ayaa ka faa’ideystay dib u celintii ka dhalatay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Labaad xero  ayaa la furay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2011kii,waxaana halkaas ku qaxay Soomaali badan oo gudaha dalka abaartaas uga cararay.