Sida ay sheegyaan Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux oo rayid ah lagu diley duqayn dhanka cir ah oo xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Cade ee gobolka Gedo.
Deegaanada duqeynta ay ka geysteen ciidamada Kenya ayaa waxaa ka mid ah Ceelcade, Likooley , laheley, Warburay, Burcaleen, Dhamase, Wargaduudo, Qulqul shubaal, Balanbaal, Muudale, Abroone, Buusaar, Qows qurun & Darusalam iyo qaar kale.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka wax ku noqday duqeyntan ay intaa ka badan tahay.
Duqayntan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysa xilli xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo kenya uusan wanaaganayn.
Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa goboladda Jubooyinka iyo Gedo ka gaysta duqaymo aysan u aabayeellin maadaama ay dhowr mar oo hore ay duqayn ku dileen dad xoollo dhaqo ah.