Dowlada Kenya ayaa dar-dar galisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisa. Sida ay sheegayaan warar ka soo baxay duqen shalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu weeraray argagaxisada.. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday dad Xoolo dhaqaato oo joogay goob udhow tuulada Barmil ee gobolkaasi.
Wali lama heli xog ku saabsan Sidoo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed. Ilaa iyo hadana Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federalka iyo dhanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.