Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamadu ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanada Koban iyo Araare oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in howl-galladaasi, kadib uu iska hor imaad saacado badan qaatay uu dhex-maray labada dhinac.
Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay howl-galladaasi khasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay.
Dhanka kale ma jiro illlaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.