Ciidamada Jubbaland oo soo xirxiray dad lagu tuhunsan yahay qaraxyo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka Dowlada Goboleedka  Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo  howlgalo ay sameeyeen ku xir-xiray dad ay ku tuhmayaan qarax miino nuuca dhajiska ah oo gaari loogu xiray Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur. Laamaha ammaanka DG Jubbaland ayaa dadka ay ku tuhmayaan qaraxa lagu dilay Xildhibaanka geeyay xarumahooda baarista, inkasta oo aysan soo bandhigin tirada dadka loo qabtay & natiijada baaristooda.

Qofka la dilay oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland, Xildhibaan Khaliif Haashim ayaa  waxa uu kamid ahaa rag ay saaxiibo dhaw la ah Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas lagu dilay sheegatay Al-Shabaab. Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe oo cambaareeyay dilkaas ayaa laamaha ammaanka faray in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxa loogu xiray Gaariga oo ugu dambeyn dhaawac kasoo gaaray uu u dhintay Khaliif Haashim.

Waqtiyadii  la soo dhaafay ayaa ammaanka Magaalada Kismaayo waxaa ka dhashay welwel , kadib markii lagu dilay Mas’uuliyiin katirsan DG Jubbaland, qaarkood la qarxiyay, kuwa ayaa hoygooda lagu weeraray, halka baro kontorool bambooyin lagu tuuray. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer kulan gaar ah la qaatay laamaha ammaanka DG Jubbaland, waxyaabaha ugu weyn ee uu kala hadlay waxaa kamid ah sugidda amniga, wax ka badalka shuruucda ay u dhaqmayaan & isla xisaabtanka saraashiisa ilaa ciidanka.