Ciidamada Jubbaland oo maanta howl-galo ka wada magaalada Kismaanyo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magalaada Kismaanyo, Ciidanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saakay baaris ka bilaabay Ciidamada Nabad sugida, kadib markii habeenadii lasoo dhaafay dhowr kontorool lagu tuuray Bam gacmeed sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xalay Magaalada Kismaayo gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac oo bar kontorool ay ku leeyihiin Ciidamada ammaanka waxaa lagu tuuray Bam Gacmeed, sidoo kale habeen kahor Bam ayaa lagu tuuray Bar kale, halka Todobaadyadii lasoo dhaafay la weeraray xarumo iyo guryo ay degen yihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, Ciidamada saakay howlgalka wada ayaa xadiday isu socodka dadka Gaadiidka Xaafadaha ay ka howlgalayaan, waxaana goob ay isugu geeyeen dhalinyarada ay soo qabteen kuna tuhmayaan in ay katirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada maamulka Jubbland ayaa howlgal joogta ah waxa ay ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya gudaha magaalada.