Ciidamada Jubbaland oo lagu wareejiyay qalab casri ah iyo labis cusub (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Wararka ka imaanaya dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  oo  ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida iyo Masuuliyiin kale ay kormeer ku tageen Taliska qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa waxa ay halkaas ku siiyeen salaan sharaf Madaxweynaha Jubaland. MW Axmad Madoobe ayaa ku wareejiyay qalab casri ah ciidanka  booliiska Jubbaland.

Madaxweynaha oo qayb ciidanka kamid ah la hadlay ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ee bilowday aysan kaliya fulinaynin Ciidanka Daraawiishta balse loo baahan yahay in meelaha la xoreeyo ay tagaan Ciidanka Booliska qaybahooda kala duwan si shaqooyinka caadiga ah aysan gaabis u galin oo nidaamku si toos ah uga hirgalo meelaha Al-Shabaab laga saaro.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Amniga Magaalooyinka kale ay xooga saaraan si Shabaab ayna fursad ugu helin xiliyada howlgalada ka dhanka ah ay socdaan in ay shacabka dhibaateeyaan wuxuu ku amaanay Wiilasha iyo gabadhaha Ciidamada Booliska dadaalkooda iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga soo dhalaaleen u adeegista Bulshada,sida lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!