Saciid cabdi Daahir’’JOOGSADE’’ oo ah Afhayeenka Ciidamada Amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in ay kusii siqayaan Ciidamadooda Degmada Jamaame Ee Gobolka Jubadda Hoose Halkaasi oo ay Gacanta ku Hayaan Al-shabaab.
Joogsade ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Deegaano Dhowr ah oo ay kala Wareegeen Xarakadda Al-shabaab Sida Deegaanka’’Kosha’’ oo Hoostaga Jamaame.
Afhayeenka Ciidamada Amnigga Maamulka Jubbaland Sidoo kale waxaa uu soo hadal-qaaday Xaalada Amni Ee Deegaanada Maamulkaasi,waxaa uu sheegay in amnigu aad u wanaagsan yahay islamarkaana Ciidamadu ay suura-geliyeen in Kismaayo lagu qabto Shirar Maqaamkuudu aad u sareeyay.
Dhanka kale Saciid cabdi Daahir’’JOOGSADE’’ waxaa uu sheegay in Howlgaladii ugu dambeeyay Ee Deegaanada Maamulka Jubbaland laga fuliyay in ay guulo waa weeyn ka gaareen Ciidamada Maamulkaasi,taasi oo uu sheegay in ay uga gol-leeyihiin Sidii shacabka looga wareejin lahaa Maamulka Al-shabaab.
Deegaanadda maamulka Jubbaland waxaa hada ka socdo Howl-galo ka dhan ah Xarakadda Al-shabaab ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe)