Ciidamada Jubbaland oo howlgallo ka ka wado Gobolka Jubada Hoose

Reading Time: < 1 minute

Magaalooyinka Kismaayo & Afmadow oo xuddun u ah howlgallada DG Jubbaland ay sheegtay in lagu qabanayo deegaannada ka maqan Dowlad-Goboleedkaas waxaa ka socda abaabul iyo dhaqdhaaq Ciidan oo xooggan.

Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka gaar ahaan qaybta 43aad & kuwa Daraawiishta DG Jubbaland ayaa Ciidamada lagu diyaariyay Afmadow & Kismaayo u sheegay in ay u ruqaansadaan Magaalooyinka ay joogaan ‘AS’.

Ciidamadaan ayaa lagu wargeliyay in howlgal xooggan ay ka sameeyeen Gobolka Jubada Hoose si kaddib loogu gudbo Gobolka kale ee Jubada Dhexe oo guud ahaan Gacanta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ka maqan.

DG Jubbaland ayaa sheegtay in diyaargarow xooggan ay u gashay wajiga 2aad ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ sidaas awgeed ay diyaarisay Ciidamo Booliis, Daraawiish & Nabadsugid ka kooban oo kaashanaya kuwa federaalka.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wajiga labaad ee howlgallada ‘AS’ looga qabsanayo deegaannada ay maamulaan uu noqonayo Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland.