Sida lagu soo waramaayo Alshabaab ayaa isku dayday in wadada u galeen kolonyo ay la socdeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Jubaland oo kusii jeeday deegaanka Baar-sanguuni ee gobalkaas. Laakiin ciidanka Jubbaland ayaa ka warhelay qorshaha Al Shabaab taas ayaana keentay in Al Shabaab si adag la isaga difaaco.
Saraakiisha dowlad Gobleedka Jubbland ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar dhabagal ahaa oo Alshabaab ay ku soo qaadeen wax khasaara ahna uusan ka dhalan sida ay ku warameen saraakiishu..